Norwey oo shaqaale Caafimaad u direysa dalka Haiti.

Oslo:-Dowlada Norwey aya shaaca ka qaaday in dhawaan shaqaale caafimaad u diri doonaan dalka Haiti oo dhawaan ka dhaceen dhul gariir iyo duufaano xoogan.

Wasiirada arimaha dibada oo la hadashay warbaahinta ayaa tilmaamtay in norwey gacan siin doonto dadka reer Haiti.

Dowlada ayaa xustay in bilowga isbuuca dambe diri doonaan  45 qof waxaana hoggaaminaya Agaasinka Badbaadinta Madaniga iyo Qorshaynta Degdegga ah (DSB).

19 ka mid ah xubnaha kooxda ayaa ah shaqaale caafimaad, oo ay ku jiraan dhakhaatiir, kalkaaliyeyaal iyo shaqaalaha ambalaaska. Kuwa kale waxay la shaqeeyaan maamulka, saadka, amniga iyo hawlgalka xerada ay kooxdu ku noolaan doonto.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa dalka Haiti ku nagaan doona ilaa iyo lix isbuuc isla markaana caawin u sameyn doona dadka uu saameeyay dhul gariiska iyo dabeylaha ku dhiftay wadankaas.

In ka badan kun ruux ayaa ku geeriyootay dhibaatadaas oo ka dhacday meel 50km u jirta Caasimada Wadankaasi.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com