Muxuu sheekh shariif sheekh Axmed ka yiri’ doorashada Golaha shacabka ee ka bilaabatay dalka ?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga musharrixiinta ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka, balse uu walaac xoogan ka muujinayo habka ay ku bilaawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.
Qoraal gaar ah oo uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku sheegay in doorashada ay ka dib dhacday waqtigii dastuuriga ahaa ee loogu talo galay muddo ku dhow sanad ayna u baahantahay dardargelin iyo in laga feejignaado dib u dhac ku yimaada mar kale wakhtiga loo qabtay dhamaystirkeeda.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Guddiyada Doorashada heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada inay dhaqan-geliyaan habraacyadii hannaankii lagu heshiyay ee doorashada Golaha shacabka kana fogaadaan wax walba oo keeni kara eex iyo musuqmaasuq, taasoo dhaawici karta natijada doorashada iyo geedi-dhiska dowladnimada.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com