Norway oo sanadkaan looga xusay 1-da luulyo sikaduwan sanadihii hore +Sawirro.

Magaaladda Oslo ayaa lagu qabtay munaasabad siween loo soo agaasimay taas oo loogu dabaal degayay 60 sano guuradii ka soo wareegatay Xornimada Gobolada iyo israacii midowgii Gobolada Waqooyiga iyo Koonfurta Somaliya.

Gudoomiyaha dhalinyarada soomaalida Norwey Adnaan Abdulle Mohamed oo Munaasabadda 1-da Luulyo Kumanaan Soomaali ah oo iskugu yimid barxada weeyn ee Birkelund park ee magaalada Oslo  ayaa u gu horeen ugu hambalyeeyay umada soomaaliyeed maalinta xurnimada soomaaliya ee 1-da luulyo  .

Dadkii kasoo qeeb galay munaadabadda 1-da Luulyo oo ay ka muuqatay wijiyadooda dareen wadaninimo iyo farxad ayaa Shabakada Aragticusub.com kaga warbixiyay dareenkooda ku aadan munaasabada 1-da luulyo.

1-da luulyo oo ah maalin ku weeyn quluubta umada umada Soomaaliyeed ayaa laga xusaa guud ahaan 18-ka gobol ee dalka iyo sidookale wadamada caalamka meelaha ay Soomaalida kaga noolyihiin .

Sikastaba sanadkaani ayaa ka duwan Sanadihii hore munaasabada 1-da luulyo magaalada Oslo waxaana kasoo qeebgalay dadweeyna aad ufarabadan oo qaarkood Calanka soomaaliya wajifa kusoo buufsaday  farxada 1-da luulyo darteed ,  waana markii ugu horeeysay ee munaasabada 1-da luulyo si aan kala har laheeyn saqiir iyo kabiir looga xuso guud ahaan dalka Norway.

 

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com