Axmed Karaash oo u duulay Dalka Turkiga

Madaxweyne-ku-xigeenkaPuntland, Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” ayaa waxa uu maanta ka ambabaxay Garoonka magaalladda Garowe, isagoo ku sii jeeda caasimadda dalka Turkiga ee Ankara, sababo la xiriira baaritaano caafimaad.

Madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” waxaa Garoonka ku sii sagootiyey xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno ka tirsan Xafiiskiisa.

Xubno ka Tirsan Maamulka  Puntland ayaa xaqiijiyey inuu Axmed Karaash u dhoofay Turkiga, lana filayo inuu la kulmo  Dhakhaatiirta Dalkaasi , si loogu sameeyo baaritaano guud ee xaalladiisa caafimaadka.

Socdaalka Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” ayaa ah  kii ugu horeeyey ee uu dibedda ugu ambabaxo, tan iyo markii la xaliyey Khilaafkii ay isaga iyo Madaxweyne Saciid Deni horey ugu ku kala irdhoobeen.