Dhageyso : Dr Cali Cabdi Baab oo Eedeeyay Gudiga doorashooyinka qaranka

Siyaasiga Dr. Cali Cabdi Baab Islamarkaana ah Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Amniga iyo cadaalada ee uu Hogaamiyaha ka yahay sheekh  Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa Edeeyay Gudiga doorashooyinka Qaranka ee Gudoomiyaha ay ka tahay Xaliimo yareey

 

Dr Cali Cabdi Baab ayaa ku eedeeyay Gudiga doorashooyinka Qaranka in shahaadada Aqoonsiga ay U diideen Xisbiga Amniga iyo Cadaalada Waxaana uu sheegay in Gudigaasi aan lagu Aaamini Karin Masiirka Doorashooyinka Soomaaliya oo Tilmaamay in hal dhinac ay la safteen

 

Ugu Dambeyntii Dr Cali Cabdi Baab ayaa sheegay in Xisbiga Amniga iyo Cadaalada Gudiga Doorashooyinka Qaranka ay hor dhiigeen sharuudo aan  Xisbiyada kale la weydiin Taasi oo ku tilmaamay Cadaalad darro lagu sameeyay Xisbiga Amniga iyo cadaalada