Midowga Musharixiinta oo Magacaabay Gudi loogu magacdaray badbaadada Doorashooyinka dalka

Midowga Musharaxiinta ayaa maanta magacabay guddi ka kooban 28 xubnood, oo loogu magac daray Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Dalka, ka dib shir ay musharaxiinta maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta, Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in guddiga ay magacaabeen ay ka shaqeynayaan sidii ay doorasho xor iyo xalaal ah oo qof walba ku qanacsan yahay dalkan uga dhici laheyd.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale shirkii ay maanta yeesheen walaac Xooggan uga muujiyay  waxyaabo badan oo dalka ka jira oo ay ugu horreeyan qalqalka siyaasadeed ee ka jira maamul goboleedyada qaar sida HirShabelle oo ay xaalad xumi ka taagan tahay iyo sidoo kale Jubbaland oo arrimo badani ka jiraan.

Waxyaabaha ay soo hadal qaadeen waxaa ka mid ahka bixida ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, iyadoo ay aad usoo dhawaaneyso wakhtiga loo jaangooyay joogitaanka ciidamada miwodga Afrika ee AMISOM iyo waxyaabo kale oo ay dowladda ku eedeeyeen iney qeyb ka tahay.

Sidoo kale musharaxiinta ayaa ugu baaqeen dowladda Federaalka ineysan ka leex leexan waxyaabaha ay doonayaan isla markana ay garwaaqsato iney dalka ka qabato doorasho la isla ogolyahay oo ay dadka oo dhami u siman yahiin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com