Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo M/Baladweyne kula kulmay Saraakiil Ciidan + Sawiro

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Xukuumadada Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiran kullan kula yeeshay Saraakiisha ciidanka qalabka sida ah gaar” ahaan hogaanka ciidanka xoogga dalka qeybta 5-aad iyo hogaanka ciidanka booliska gobolka Hiiran.

Wasiir Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ku dhiirigaliyay ciidamada kaalinta ay ka qaateen nabad-galyada iyo la dagaalanka argagixisada.

“Waxaan Bogaadinayaa doorka aad ka qaadateen nabad-galyada magaalada oo aan ogtahay xaaladii ay ku sugneed dhinaca amniga marka loo eego deggenaanshaha ka jiran magaalada, waxaana ku boorinayaa in loo turo shacabka iyadoo lagu shaqeynayo hanaanka dowladnimada ayuu hadalkiisa ku daray” ayuu yiri”wasiir Arfax.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo soo dhoweeyay wasiirka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay waxbadan ka qaateen amaanka magaalada hase ahaatee xilliga kala guurka uu sameeyn ku yeeshay balse sidoo kale ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dowladda dhexe.
“Dadaalka waan wadnaa balse waxaa laga yaabaa in xilliga kala guurka uu saameyn nagu yeeshay waxaana diyaar u nahay inaan mar walbo ka shaqeyno horomarka deegaanka inagoo kaashaneyna dowladda Soomaaliyeed ayuu yiri” guddoomiye cali Jeyte.
Wasiirka arrimaha gudaha dib-u-hishiisiinta iyo federaalka ee dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa uu kormeer qiimeyn iyo indho-indheyn ku tagay cisbitaalka guud ee magaalada beledweyne si uu soo arko xaalada bukaanada iyo adeegyadda bulshada sida ay u helaan .

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com