Gudoomiye Cumar Finish iyo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Maxay ka wadahadleen ?+ Sawiro

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar kamid ah ganacsatada Suuqa bakaaraha iyo shacabka Xaafada Xaawo Taako ee degmada Howlwadaag.
Kulanka ayaa ku soo aadaya kaddib cabasho ay ka timid ganacsatada iyo dadka deegaanka oo la xiriirtay in xal loo helo biyaha fariista iskuulka Xamar jadiid ee degmada Howlwadaag.
Guddoomiyaha gobolka ayaa ganacsatada ka dhageystay warbixino la xiriira dhibaatada lagu qabo biyo fariisinka, waxaana lagu ballamay in kulamo kale la iskugu yimado si wax looga qabto arrintaan.
Kulanka waxa ka soom qayb galay Guddomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka iyo Guddoomiyaha Degmada HowlWadaag.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com