Midowga Musharixiinta oo Dawlada Soomaaliya ku Eedeeyay in ay Xaraasheyso Ceelasha Shidaalka Dalka

Midawga Musharrixiinta doorashooyinka dalka ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay uga hadleen arrimaha doorashooyinka, xaaladda Beledweyne iyo Qorshaha Xaraashka Shidaalka.
Midowga Musharaxiinta ayaa walaac Xooggan ka muujiyay isku dayga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku bixineyso ruqsadaha baarista Shidaalka, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaas boob hanti qaran, iyadoo lagu jiro marxalad doorasho oo kala guur ah.
Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Batroolka uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga, iyadoo bilaabayo bixinta ruqsadaha shidaal baarista goobaha horay looga cayimay deegaanada Galmudug.
Midowga Musharaxiinta ayaa masiib darro ku tilmaamay sida ay sheegeen in xilliggaan oo dalku ku jiro kala guur la boobo hantidada Qaranka.
Afhayeenka midawga Musharrixiinta, Ridwaan Xirsi ayaa Warbaahinta la hadlay Waxaa uuna  ku Eedeeyay Dawlada Federaalka Soomaaliya in ay dooneyso waa sida uu hadalka u dhigayee, in ay xaraashto Ceelasha Saliida Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com