Maxay ka Yiraahdeen Golaha Amaanka ee QM Xaalada Soomaaliya ?

Golaha Ammaanka QM ayaa qoraal kasoo saaray khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble, kadib markii uu warbixin ay ka dhageysteen eregyga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya James Swan.

“Xubnaha Golaha Ammaanka waxay walaac qoto dheer ka muujinayaan khilaafka sii socda ee ka dhex-jira dowladda Soomaaliya iyo saameynta taban ee uu ku yeelanayo hanaanka iyo jadwalka doorashada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka.

“Golaha Ammaanka waxay ku boorinayaan dhammaan saamileyda inay muujiyaan is-xakameyn, waxayna hoosta ka xariiqayaan muhiimadda joogteynta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.”

Xubanah Golaha Ammaanka ayaa sidoo ku booriyey dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafyadooda ku xaliyaan wada-hadal, danta shacabka Soomaaliyeed darteed.

“Waa inay muhiimadda siiyaaaan qabashada doorasho nabad ah, daah-furan, la isku haleyn karo islamarkaana loo dhan yahay oo ku dhacda waqtigeeda, si waafaqsan heshiisyadii 17-ka September iyo 27-ka May,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku booriyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay xaqiijiyaan in khilaaf kasta oo siyaasadeed aanu ka weecin ficil loo mideysan yahay oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa mar kale xaqiijiyey ixtiraamka ay u hayaan qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed, seeraha dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com