Raisul wasaare Arna Solberg oo ka hadashay iscasilaada Ropstad.

Oslo:-Raisul wasaare Erna Solberg ayaa ka hadashay is casilaada wasiirkii Carruurta iyo Qoyska Kjell Ropstad.

Erna ayaa sheegtay in aad uga xuntahay is casilaada Ropstad balse waxaa ay tilmaamtay in aad ugu ixtiraameyso go,aan liiska.

“Kjell Ingolf Ropstad waxaa uu i soo waxay xalay goor dambe  wuxuuna igu wargaliyay in uu iska casilo hogaaminta KrF sidoo kale wuxuu codsaday in loo ogolaado in uu iska casilo xilka wasiirnimo ayay tiri Erna Solberg oo shir jaraaid galabta qabatay.

Waxaa ay uga mahadcelisay wada shaqeyntii mudada sideeda sano aheyd ee Xisbiga KRF iyo wada shaqeyntiisa labadii sano ee ugu dambeeysay ee uu ka mid ahaa golaheeda wasiirada.

Sidoo kale Raisul wasaaraha ayaa ku boorisay Ropstad in uu iska xaliyo kiiska canshuurta ee lagu soo eedeeyay.

Dhanka kale Erna Solberg ayaa wasiirka cusub ee arimaha Carruurta iyo Qoyska si KMG ah ugu magacawday Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga KRF Olaug Bollestad.

Olaug Bollestad ayaa sidoo kale ah Wasiirka Cuntada iyo beeraha ee Xukuumada Erna Solberg.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com