Madaxweynaha Puntland oo saacadaha soo socda ku soo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalmaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho,

Xubno ka Tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Aaragticusub in Madaxweyne Deni uu maalmaha soo socda ku soo wajahanyahay Magaalada Muqdisho, islamarkaana socdaalkiisu la xiriiro xal u helidda muranka  xooggan oo ka taagan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, kuwaas oo ay diidan yihiin Midowga Murashixiinta Muqdisho.

Madaxweyne Deni, ayaa hore u diiday codsi uga yimid Midowga Murashixiinta ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka dalbadeen in uu beddelo xubno ka tirsan Xafiiskiisa, oo uu ku darsaday Guddiga Doorashada 2020/2021 iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com