banaan bax looga soo horjeedo Sicir bararka ka jira Puntland oo ka dhacay Magaalada Garoowe

Wararka ka imanaya Magaalada Garoowe ee Xaruunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Boqolaal dadweyne ah  maanta Banaan bax ka sameeyeen magaalada Gorawe, kuwaas oo ka cabanacay sicirbarbar ee ka jira degaannada Puntland.

Dibad baxa oo ahaa mid nabdoon ayaa dadweynuhu socod ku mareen wadada halbolwlaha ee magalaada Garoowe, iyadoo gaaray xarunta Baarlamaanka Puntland.

Qaar kamid ah mudaharaadayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka cabanayaan sicirbararka ka jira Puntland oo ugu horreeyo sarifka lacagaha Soomaaliga iyo doolarka.

Mudaharaadayaashu waxay Maamulka ka codsadeen in ay wax ka qabtaan Sicir bararka ka jira Puntland

Goobaha Ganacsiga Magaalada Garoowe ayaa Albaaba loo laabay iyadoo aysan wax dhaqdhaqaaq ah oo maanta ka jiray Suuqa Magaalada Garoowe

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com