Shil khasaare geystay oo ka dhacay duleedka gobolka Bari

Wararka ka imaanaya Degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa sheegaya in shil khasaare geystay uu halkaasi ka dhacay

Inta la xaqiijiyay, hal ruux ayaa ku geeriyooday shilka, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 qof, oo ay ku jiraan hooyo iyo 5 carruur ah oo ay dhashay, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta Isbitaalka Carmo. Dhaqaatiirtu waxay sidoo kale sheegeen, in gurmad deg deg ah loo fidiyay dhaawacyada, oo qaarkood liitaan, balse kuwa xaaladoodu adagtahay loo gudbin doono magaalada Boosaaso.

Shilalka gaadiidka, ayaa maalmahaan  ku soo badanayay,  wadada laamiga xiriiriya Garoowe iyo Boosaaso, iyadoo todobaadyadii dambe ay ka dhaceen ilaa lix shil oo khasaare kala duwan gaystay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com