Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Agaasimaha guud ee Hay’adda USAID ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan aalada fogaan aragga ee zoomka kula qaatay Agaasimaha guud ee Hay’adda USAID ee Soomaaliya Mr Patrick Dicksin.

Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah waxaa looga hadlay.

Arrimaha Amniga

  1. Isku furida wadooyinka ee u dhaxeeya degmooyinka.
  2. Tababarida & qalabeynta ciidanka booliska.
  3. Tababarida ciidanka daraawiishta.
  4. Dhismaha & tayeeynta hay’adaha Cadaalada.

Fulinta Mashaariic horumarineed

  1. Dhismaha wadooyinka
  2. Dhismaha garoomada diyaaradaha
  3. Horumarinta deegaanada xeebaha

Fatahaada.

  1. Dib u habeynta biyo xireenada
  2. Qodista kanaalada
  3. Caro tuurka Wabiga

Gargaarka

  1. Taakuleynta Barakacayaasha
  2. Gaarsiinta IDP-yada adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Gargaarka Arimaha Bulshada iyo ka hortagga fatahaadaha.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com