Xukuumadda Soomaaliya oo ku Amaratya Diblumaasiyiinta Soomaalida ah ee ku sugan Kenya ay ka soo baxaan dalkaasi

 Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha Joogtada Danjire Maxamed Cali Nuur ayaa lagu wargeliyay in muddo 5 cisho dalka ku soo xaroodaan dhammaan xubnaha ka howlgala Safaaradda Nairobi.

Warqada waxaa lagu sheegay  in dowladda Federaalka ay ku amartay muddo 7 cisho inay dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Kenyanka, looga baahan yahay in mudadaas dalka ku soo galaan diblu maasiyiinta Soomaalida ah eek u nool Dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii bishan xiriirka u jartay Kenya, kaddib markii ay ku eedeeysay inay faragelin ku heyso madax banaanida dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com