Soomaaliland oo ku Eedeeysay Dawlada Soomaaliya in ay ka baxday wadahadaladii Jabuuti.

Madaxweyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka baxday wadahadaladii d  Jabuuti.

Isaga la hadlayay laanta Afka Soomaaliga VOA Muuse Biixi,ayay  wax ka weydiisay sababta ay u miradhali waayeen wadahaladii ay DFS iyo Somaliland ku soo galeen dalka Jabuuti.

Muuse Biixi ayaa sheegay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan hadda diyaar u ahayn wadahadal ay lagasho Somaliland.

“Waxaa wadahadalkaas ka baxday qolada Muqdisho, maanta cidda Muqdisho katalisa uma jeedo wadahadal” ayuu yiri Muuse Biixi.

Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo bishii Juun ee sanadkan shir ku yeeshay dalka Jabuuti ayaa isku afgartay dhowr qodob, waxaana guddi 17 xubnood ka kooban oo labada dhinac ah loo xilsaaray in ay sii ambaqaadaan wadahadalada.

Wadahadalada DFS iyo Somaliland ee jabuuti waxaa garwadeen ka ahayd Beesha Caalamka, gaar ahaa dowladda Mareykanka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com