Dhageyso: Cabdi Barre Jabriil oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu Xilka ka Casilo

Xildhibaan Cabdi  Barre Jabriil  oo ka Tirsan  baarlamaankii  kmg  ahaa ee Dawladii Madaxweyne Shariif sheikh Axmed ayaa ugu baaqay Madaxweyne  Farmaajo in uu Xilka isaga dego Cafisna uu weydiisto Dadka shacabka ah

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa ku Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu bixiyay Amarka  Dadkii shalay lagu rasaaseeyay Magaalada Muqdisho ee dibad baxa ka dhigayay  Xaafadaha Magaalada Muqdisho ee ay rasaaseeyeen Ciidanka Ciidamada Haram cad ee ka Tirsan Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Hadalkaan ka soo baxay Xildhibaan Cabdi Barrre Jabriil ayaa ku soo beegmaya ka dib markii shalay Dad banana bax ka dhigayay Magaalada Muqdisho ay rasaaseeyeen Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya  taasi oo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Gaba gabadii Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil  oo ku baaqay in Maxkamad Caalami ah la soo saaro Madaxweyne Farmaajo  oo ku Eedeeyay in Xasuuq uu ka geystay Dalka gaar,ahaan Xaafadaha Muqdisho Waa sida uu hadalka u yiri , Xildhibaan Cabdi Barre Jabriil.

Hadalkaan ka soo baxay Xildhibaan Cabdi Barrre Jabriil ayaa ku soo beegmaya ka dib markii shalay Dad banana bax ka dhigayay Magaalada Muqdisho ay rasaaseeyeen Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya  taasi oo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.