Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka badbaaday Qaraxa +Sawirro

Faah Faahino ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray Kolonyo gaadiid uu la socday taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed janeraal Odawaa Yuusuf Raage iyaga oo maraayay meel ku dhow Isbitaalka xoogga dalka.

Wararka Wararka ayaa intaas ku daraya qaraxa loo adeegsaday in gaari saarif oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa Islamarkaana lala beegsaday gaadiidka la socday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ,balse warar ayaa sheegaya  ka hor gaariga qarax loo Adeegsaday in  ciidamada militariga ee Taliyaha la socday rasaas ku fureen gaariga taas oo keentay in uu qarxo.

Inta la ogyahay qaraxaasi waxaa ku dhintay qofkii waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa iyo haweenay goobta mareysay,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda qaraxa kadib ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa in ay isaga la dilo balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada Tarabuunka meel u dhow Isbitaalka Xoogga Dalka