Dhageyso: Siyaasi Xasan Yuusuf Black oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax u Tartamaya Xilka Madaxweynaha Koofur galbeed

Mudane  Xasan Macalin Yuusuf  Black oo ah Xildhibaan hore uga Tirsanaa Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaaliya ayaa ku dhawaaqay in  uu ka mid yahay Musharixiinta  u tartameysa xilkaa Madaxweynahaa Koofur galbeed Soomaaaliya.

Musharrax Xasan Yuusuf Black ayaa sheegay in Muddo Xileedka Madaxweynaha Koofur galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ay dhammaatay’ haatan loo baahan yaahay in si deg deh ah uu ku qabto doorashada  Jagada Madaxweynaha koofur galbeed uuna ka mid noqdo Musharixiinta u tartameysaa Xilkaas

“ Afar sano ayaan u dooranay laftaa gareen in uu noqdo Madaxweynaaha koofur galbeed haatan waqtigii waa uu ka  dhammaaday ayuu yiri ‘ Mudharrax Madaxweyne Xasan Yuusuf Black.

Hase’ ahaatee hadalkaan ka soo yeeray Musharax Madaxweyne  Xasan Macalin Yuusuf Black ayaa ku soo aaday xilli Xildhaano ka Tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed la sheegaay in  Muddo kordhin ay u sameeyeen Madaxweyne Lafta gareen Taas oo keen tay in Siyaasiyiin badan ee ka soo jeeda Koofur ay diideen Muddo kordhintaa loo sameeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed.