Wafdi ka socda Itoobiya oo gaaray Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland waxaa gaaray Wafdi wasiirro ah oo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Waddanka Itoobiya.

Wefdi uu hoggaaminnaayo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalka Ethiopia Mudane, Axmed Shidde iyo Wasiirul-dawladdaha arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa ka degay Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa.

Wafdiga ayaa la  filayaa inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kala hadli doonnaan, isla markaanna u gudbin doonnaan dhambaalo iyo farriimo ay uga siddaan Ra’iisul-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Soccdaal kan  ayaa la sheegayaa in uu la xiriiro safarka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isalwasaaraha Itoobiya ku tagayaan Hargeysa todobaadka dambe.

Somaliland ayaa beenisay in socdaalkaasi jiro islamarkaana Hargeysa uusan tagi karin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo  shalay jeediyay khudbaddiisa sanad laha ah ayaa sheegay in marnaba uusan Hargeysa tageynin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.