Militariga Dawlada Federaalka Soomaaliya oo shegay in Hawlgal ay ku dileen Xubno ka Tirsan Shabaab

Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ay laba hawlgal oo kala duwan ku khaarajiyeen laba Sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgalka kowaad oo ka dhacay meel qiyaastii 45KM dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa lagu dilay Ibraahim Macallin Cabdi oo magaciisa afgarashadu yahay Geney Sida ay sheegeen Saraakiisha Militariga Dawlada Soomaaliya .

Saraakiishu waxay sheegeen in Geney uu Al-shabaab u qaabilsanaa Degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee Gobolka Baay.

Hawlgalka labaad oo ka dhacay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose ayay Saraakiishu sheegeen in lagu khaarajiyay Aaden Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abu-Salmaan) oo Al-shabaab u qaabilsanaa Jubbooyinka.

Hawlgalka Jamaame waxa sidoo kale lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo weheliyay horjoogaha la dilay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com