Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Mohamed Mahamud Esse iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha ayaa caawa magaalada Muqdisho kaga qeybgalay kulan ay wada yeesheen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya.
Madaxdii halkaas isugu yimid hadalo ay halkaas ka soo kala jeediyeen waxa ay si toos ah u taabanayeen xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo halka ay mareyso doorashada dalka lagu wado in ay ka dhacdo dhowaan.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.




















