Maamulka Magaalada Cadaado oo soo saaray digniin ku socota Shacabka

war kasoo baxay Maamulka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu joojiyay laguna mamnuucay Guud ahaan in qashin lagu daadiyo dhabarka dambe ee Xerada Ciidamada qeybta 21aad oo ku taalla dhinaca Waqooyi ee Magaalada Cadaado.

 

Goobta la mamnuucay in qashinka la dhigo ayaa maamulkii hore ee Magaalada Cadaado waxaa uu u asteeyay in la dhigo qashinka, hayeeshee Magaalada ay ku fiday taas oo keentay in la joojiyo qashinkii la dhigi jiray.

 

 

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa amar ku bixiyay in la xiro lana ganaaxo qof walba ee xilligaan wixii ka dambeeya qashinka ku shuba dhabarka dambe ee Xerada Ciidamada qeybta 21aad, isaga oo digniin u diray dadka ku nool Magaalada Cadaado.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado laab Xidigle Cali Dheere ayaa sheegay inay fulinayaan amarka guddoomiyaha degmada Cadaado,isla markaana cid allaala ciddii ka hor timaada amarkaas laga qaadi doonaan. Talaabo sharcia

 

Goobta laga mamnuucay in qashinka lagu shubo ayaa waxaa amaankeeda saiwyen u ilaaliya Ciidamada Millateriga Soomaaliya qeybta 21aad, waxaana dhowr jeer ay ka digeen in halkaasi qashin lagu shubo

xafiiska wararka jowhar

Info@aragticusub.com