Inqilaab ayaa la soo sheegayaa inuu ka socdo gudaha Maali , islamarkaana ay hoggaaminayaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milatariga dalkaasi.
Milatariga waddanka Mali ayaa xabsiga u taxaabay madaxweynaha dalkaas Ibrahim Boubacar Keïta.
Ibrahim Boubacar Keïta oo ku sugnaa gurigiisa ku yaalla xaafadda Sebenikoro ee magaalada Bamako ayay xidheen askar ka tirsan ciidamada gadooday, saacaddu markii ay ku beegneyd 4:30 p.m. waqtiga maxalliga ah.
Wuxuu xilligaas madaxweynaha la joogay Ra’iisul Wasaaraha Mali, Boubou Cissé iyo wiilkiisa Karim Keïta, oo ah madaxweyne ku xigeenka.
Warar sheegaya in rasaas ay ka dhacday saldhig militari oo ka mid ah kuwa si weyn looga ilaaliyo Madaxtooyadda dalkaasi.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta in hogaamiyaha afgambiga uu noqon karo Colonel Sadio Camara.
Warbaahinta Gudaha ayaa sidoo kale ogaatay in la xiray dhawr siyaasi oo sarsare iyo saraakiil sarsare ah, oo ay ku jiraan Wasiirka Maaliyadda Abdoulaye Daffe iyo madaxii shaqaalaha ee Ilaalada Qaranka iyo Gudoomiyaha baarlamaanka.
Afgambiggaan ayaa Waxaa uu ku soo beegmaysaa toddobaadyo dibad-baxyo xooggan ay ka socdeen dalkaasi oo lagu dalbanayay in uu iscasilo Madaxweynaha Maal