Garoonka Diyaaradaha shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo ayaa Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed.
Horay Magaaladaasi waxaa u sii joogay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana qorshaha uu yahay in Shir Saddex Geesood ah inuu halkaasi uga furmo.
Shirkaan ayaa looga hadlayaa arrimaha ku saabsan doorashooyinka Dalka, iyadoo labada Madaxweyne Maamul Goboled ee Puntland & Jubbaland ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shir gaar ah ku casuumay Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira shirkaasi oo sida qorshaha uu yahay Villa Somaliya iclaamisay Maalinta Berri ah, balse aan la ogeyn sida uu ku qabsoomi doono.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com