Maxaa sababay isbeddelka siyaasadda Kenya ee Somalia?{AKHRISO}

Magacaabidda Jeffrey Feltman ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika ayaa rajo iftiimisay. Diblomaasiyaddaas ayaa sare u qaadday dadaallada wax looga qaban karo gobol ay ka jiraan colaado aan wax badan laga fahmin, iyo dhibaatooyin isku miliqsan oo ay hadheeyeen loollan awood iyo dano shisheeye.
Itoobbiya oo culays diblomaasiyadeed kala kulantay buuxinta wejiga labaad ee harada biyoxireenka (Grand Renaissance Dam – GERD) iyo colaadda Tigray ayaa adeegsatay “lobbyist – Holland & Knight” si ay ula jaanqaaddo siyaasadda maamulka Joe Biden dibna loogu xoojiyo saameyntoodii congress-ka Mareykanka.
“Diblomaasiyad hufan” waa tubtii uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaga badbaaday cunaqabatayn ku soo food lahayd kaddib markii uu ku simbiriirixday talo xumidii Golaha Shacabka.
Dhinaca kale, Nairobi oo xayiraad ku soo rogtay duullimaadyada isaga kala goosha Soomaaliya iyo Kenya, maalmo uun ka dib markii Soomaaliya ay si niyad wanaag ah dib usoo celisay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee labada dal, ayaa June 10, 2021 dib u furtay duullimaadyada hawada Soomaaliya.

Dad badan ayaa su’aal gelinaya xikmadda ka dambeysa tillaabadaas iyo guud ahaan isbeddelka siyaasadda Kenya ee Soomaaliya. Qayb ka mid ah jawaabaha arrintaas ayaa ah:
Kenya oo doonayso inay badbaadsato heshiiska ganacsiga ay la gashay maamulkii Trump iyadoo maamulka Joe Biden uu dib u eegis ku samaynayo si loo hubiyo inuu la jaanqaadi karo ajandahooda, oo ay qayb ka tahay xasilinta Geeska Afrika; iyo
Kenya oo isku muujineyso dunida inaysan khatar ku ahayn deriskeeda ayaa ku barraarugta ashtakada Soomaaliya ay horgeysay Golaha Amniga QM ee xasuuqa dadka rayidka ah iyo burburinta hantida gaarka ah, taasoo maamulka Joe Biden uusan indhaha ka qabsan karin dhici kartana in lagu canaanto mid la mid ah “cunaqabatayntii” lagu soo rogay Addis Ababa oo ahayd “Weysha Gowrac Dibiga Ha Ku Quustee.”
Ka hor inta aan lagu eedayn dhibaatooyinka bina’aadamnimo ee Tigray, Addis Ababa waxaa weligeedba bogga ku sitay Washington oo u dulqaadan jirtay gaboodfalladeeda dabooli jirtayna daldaloollada maamulladii kala duwanaa ee soo maray.
Dabcan wax badan ayaa isbeddelay tan iyo toddobaadkii ugu horreyay ee June 2020 markii Feltman uu gaarsiiyay dalalka Qadar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Kenya waxa Mareykanku ka filayo. Ujeeddada Washington waa sida ay gacan kaga geysan karto fududaynta xallinta arrimaha murugsan ee Geeska Afrika.
Waxayse su’aal kedis ah ku noqoday dad badan in mar qur ah Muqdisho lagu wada arkay wafdi ka socda Boqortooyadda Sacuudiga iyo Danjiraha Imaaraadka oo aan in muddo ah cag soo dhigin Muqdisho.
Dhammaan digorrogashadaas waxaa loo aaneynayaa inay sababtay “cunaqabateynta,” mase ka tarjumeyso in Washington ay si joogta ah u beddeshay siyaasaddii ay ku dhaqi jirtay Soomaaliya soddonkii sano ee la soo dhaafay “ka hortagga iyo xakameynta – deterrent and containment.”
Si kastaba ha ahaate, Soomaaliya iyo Kenya ma awoodi karaan in cilaaqaadku ka sii xumaado meesha uu gaaray. Xidhiidhkooda waxaa had iyo jeer hadheeya “kalsoonidarro.” Waa inay ka gudbaan siyaasadda aragtida gaaban ee ribix doonka ah si hufanna u raadiyaan fursado macquul ah oo sababi kara horumar wadareed raja leh.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com