Oslo, Sida ay xaqiijiyeen waaxda caafimaadka Bulshada Norwey waxaa saacadihii ugu dambeeyay sii kordhayay dadka u dhimanaya Cudurka dunida oo dhan ku sii fidaya ee Coronovirus.
Ilaa sedex ruux oo cusub ayaa loo diiwaangaliyay in 24-kii saac ee ugu dambeyay u dhinteen cudurkaan.
Waaxda caafimaadka Bulshada ayaa xustay in ay jiraan dad badan oo la ildaran coronovirus.
Dhimashada ayaa iminka guud ahaan noqoneysa 10-ruux gudaha wadanka Norwey
Sidoo kale waxaa cudurkan la ildaran ku dhawaad laba kun iyo shan boqol oo ruux.
Xafiiska Wararka,Oslo,Norwey.
Info@aragticusub.com