Ruushiyaan u dagaalamaayay Khalifa Haftar oo isaga baxay Libya By Shiil – 26th May 2020

Ciidamada taageeraya dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa Isniintii sheegay in boqol calooshood u shaqeystayaal Ruushiyaan ah oo u dagaalamayey Jeneral Khalifa Haftar ay ka baxeen aagagga dagaalka ee koonfurta magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

Sheegashadan ayaa timid kadib markii dhowr guul-darrooyin oo is-xig-xigay ay la kulmeen ciidamada Khalifa Haftar oo muddo ka badan sanad waday howl-gal ay doonayaan inay ku qabsadaan caasimadda.

“Diyaarad militari oo nooceedu yahay Antonov 32 ayaa soo cago dhigatay garoonka diyaaradaha Bani Walid, si ay u u billaabaan daad gureynta calooshood u shaqeystayaasha kooxda Wagner Group, oo ka cararay koonfurta Tripoli, una qaaday goob aan la aqoon,” waxaa sidaas twitter-ka ku qoray ciidamada taageersan dowladda.

Weli ma jirto jawaab ay ciidamada taageersan Haftar ka bixiyeen sheegashada dowladda.

Dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Ruushka, Imaaraadka Carabta iyo Turkey ayaa lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin dagaalka u dhaxeeya dowladda Libya iyo ciidamada Khalifa Haftar.

Bishii tagtay, werbixin loo diray Golaha Ammaanka, ayaa khuburada QM waxay ku taageereen warbixino warbaahinta Mareykanka ay ku sheegeen in kooxda Wagner, oo ah urur leh ciidamo sida mlitariga u tababaran, kuna dhow madaxweyne Vladimir Putin ay dagaal-yahano taageeera Khalifa Haftar u direen Libya.

Aqalka Kremlin-ka mar kasta waa uu beeniyaa inuu ku lug leeyahay dagaalka Libya.