Shabaab oo sheegtay inay isku soo dhiibeen Askar Jubbaland ka tirsan

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa soo bandhigay Askar ay ku sheegeen inay ka soo goosteen Ciidanka Maamulka Jubbaland, kuwaasi oo ku sugnaa Saldhig Ciidan oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Intenet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in 5 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland ay isku  dhiibeen, iyagoo hubkood watay laguna soo bandhigay deegaan ka tirsan Jubbada Hoose.

Sababta ay Ciidanka u soo goosteen ayay Al-shabaab ku sheegeen inay tahay, kadib markii dhibaatooyin kala kulmeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada lasoo Bandhigay ayaa ku sugnaa Saldhig Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo kala ahaa

1-Maxamed Cali Bakar
2-Aadan Cismaan Cumar

3-Xuseen Ibraahim Xasan

4-Cusmaan Maxamed Cabdullaahi

5-C/qaadir Cumar.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku aadan Askartaan la sheegay inay ka soo goosteen dhanka Maamulkaasi.