Taliyihii ciidanka ilaalada Madaxtooyada Puntland oo is-casilay

Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland, G/Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, ayaa maanta shaaciyey in uu iska casilay xilkaas.

Qoraal kooban oo uu la wadaagay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayuu ku war geliyey in uu iska casilay xilkii Taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada.

Majirin faahfaahin intaas ka badan oo uu Taliyuhu ka bixiyey sababta ka dambeysa is-casilaadiisa.

“Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi Yusuf taliyaha ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, waxaan ku dhawaaqayaa Maanta oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inan iskacasilay xilkii ahaa taliyaha ciidanka madaxtoyada Puntland” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, ayaa xilka Taliyaha ciidanka ilaalada Madaxtooyada Puntland loo magacaabay, 2-dii bishii Maarso ee sannadkii 2019-kii, waxuuna xilkaas hayey mudo sanad iyo afar bilood ah.