Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyey Shabeellaha Dhexe

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Wabiga Shabeelle ee mara Gobolkaas saacadihii la soo dhaafay uu fatahaad ka sameeyay degmada Mahadaay,isla markaana dadka ay barakaceen.

Deegaannada ugu daran ee uu Wabiga ka fatahay ayaa waxaa kamid ah tuulooyinka,Huriwaa, Diinlaawe, Duduble iyo Mansoor,waxaana dadkii deganaa ay u barakaceen tuulooyin ka fog Wabiga oo aysan ka dhicin fatahaad.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa sheegay in fatahaada Wabiga uu baabi’iyay dalagyo badan oo ku yaallay Beeraha,isla markaana weli ay jiraan deegaano kale ay fatahaada gaartay.

Waxaa uu sheegay in dadka badankood ay u barakaceen deegaannada,Fiidow, Buurane iyo Caasimadda Shabeellaha Dhexe ee Jowhar,kuwaas oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu kamid yahay Gobolada uu fatahaada ka sameeyo Wabiga gaar ahaan deegaannada hoostaga, Jowhar ,Balcad, Mahadaay iyo deegaano kale,waxaana dadka ay yihiin kuwo barakacay.