Abiy Axmed oo Muddo ka dib meel Fagaare ah lagu Arkay

Ra’iisal wasaaraha Itoobiyaka , Abiy Axmed, ayaa markii ugu horreysay muddo ka dib  lagu arkay meel fagaaro ahxilli  shaki la geliyay xaaladdiisa caafimaad.

Abiy ayaa ka soo muuqday muuqaal laga soo duubay  xarunta qalabka dadka naafada ah ee isbitaalka St. Paul ee caasimadda Addis Ababa, waxaana uu sheegay in xaruntaas ay hawl wanaagsan u hayso ciidamada ka dhaawacma Itoobiya iyo shacabka waddankaas.

Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa la waayay warka Ra’iisul Wasaaraha maadama aanan lagu arkin fagaarayaasha ama baraha bulshada.

Maalma kahorna, hey’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku faafiya wax ay ugu yeertay “wararka marin-habaabinta ah” ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha.

Hadalkan kasoo baxay dowladda  Itoobiya ayaa hadal heyn hor leh dhaliyay taas oo ku saabsan halka uu jiro Abiy Axmed.

Waxaa la isla dhexmarayay warar kala duwan oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan in dalka dibaddiisa loogu qaaday xaalad caafimaad.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com