Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo la magacaabay

Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo magacaabay Cabdirashiid Maxamed Xaashi ka dib markii agaasimihii hore Cabdi Nuur Maxamed Axmed loo dalacsiiyey agaasime ku-xigeenka Villa Somalia.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa hore u ahaa Agaasime Ku-xigeenka Waaxda warfaafinta,qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu shaaciyay magacaabistiisa.

Agaasimihii hore ee waaxda warfaafinta Cabdinuur Maxamed ayaa u rajeeyay agaasimahan cusub in xilkiisa uu Alle u fududeeyo .

Qoraalka uu Hambalyada uu ugu diray Agaasimihii hore Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya:

“Waxaan Agaasimaha cusub u rajaynayaa guul iyo inuu masuuliyaddiisa u guto si xilkasnimo leh, aniga oo Ilaahay uga baryaya inuu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday” ayuu yidhi Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo ah agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay doorwayn Hoggaaminta dalka ka siisay Dhalinyarada Soomaaliyeed,  Waxaana Cabdirashiid uu  Khibrad badan u leeyahay dhinaca Warbaahinta, Wuxuuna hada  Muddo ka howlgelayey Madaxtooyada Qaranka.

Hambalyo ayaanu leenahay Cabdirashiid Dhankeena, waxaana u rajaynaynayaa Guul iyo inuu Eebbe Xilkaasi ku Asturo ayuu yiri Agaasimii hore Waxaada Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com