Ali Mahdi Mohamed oo dhaliilay Madaxda sare ee dowlada Federaalka.

Muqdisho,Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Mudane Ali Mahdi Mohamed ayaa dhaliil xoogan u jeediyay Madaxda sare ee dowlada Federaalka.

Ali Mahdi oo maanta ka hadlayay kulan Beesha Mudulood ku yeesheen Muqdisho ayaa sheegay in madaxda dowlada aysan caburin fikirka xorta ah ee uu leeyahay muwaadinka Soomaaliyeed.

“waxaa maqlayay in la leeyahay shir lama qabsan karo xor ayaa u leenahay in shir qabsano sida ay xor ugu leeyihiin muwaadin walba oo Soomaaliyeed”ayuu yiri Ali Mahdi.

Ali Mahdi oo ay caro ka muuqato  ayaa xusay in loo baahan yahay in la dhowro fikirka xorta ah ee muwaadinka Soomaaliyeed.

Ali Mahdi ayaa sidoo kale xusay in beesha Mudulood tahay astaanka qaranimada Soomaaliyeed.

Hadalka Ali Mahdi ayaa imaanaya xili labadii maalin ee ugu dambeysay dowlada federaalka waday qorshe lagu baajinayo shirka beesha mudulood oo maanta sida rasmiga ah uga furmay Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com