Alshabaab oo weerar Culus ka geysatay gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka  Jubaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Qooqaani oo ka tirsan Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose

Al-shabaab, ayaa lagu soo warramayaa in ay madaafiic ku garaaceen Saldhiga  Qoonaani, balse balse Ciidanka Jubland ay ka jawaabeen Weerarkaasi iyadaoo la sheegayo in khasare uu ka dhashay dagaalkaasi

Dhawaqa Hubka culus, ayaa laga maqlay Degaanka, waxaana la sheegay in dagaal xooggan dhexmaray labada dhinac,

inkastoo haatan ay xaaladu degan tahay balse Waxaanse weli faahfaahin sugan laga helin Khasaaraha ka dhashay Dagaalka, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaallamay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com