Alshabaab oo Weerar Madaafiic ah ku qaaday saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya Degaanka Husingoow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Alshabaab Madaafiic ay ku garaacen Fariisin Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degaankaasi

Dadka Degaanka ayaa warbaahinta Aragticusub u xaqiijiyay in dhowr Madaafiic ay Alshabaab ay Halkaasi ku garaaceen

Sidoo doo kale Ciidamada Kenya ayaa iyana jawaab ka bixiyay madaafiicda lagu Tuuray Halka ay ku sugan yihiin .

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi Ciidanka Kenya iyo Alshabaab ay Isdhaafsadeen Balse Dadka Degaanka ayaa Cabsi Xooggan ay ku Abuurtay Dadka shacabka ah ee ku sugan Degaankaasi

Alshabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka geystaan gobolka Jubada Hoose , weerarkaas oo ay la beegsadaan Ciidamada Dawlada Federaalka , kuwa Maamul goboleedka Jubland iyo Ciidanka Kenya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com