Askari katirsan Dowlada oo lagu toogtay deegaanka Ceelasha-Biyaha

Wararka ka imaanaya duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in maanta askari ka tirsanaa ciidamada Booliska lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/Hoose.

Rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay inay askariga toogteen, xilli uu ku sugnaa suuq ku yaalla deegaankaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kooxda toogashada geysatay ay horay u sii qaateen qoriga askarigaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ilasoo xiriiray ayaa iisheegay in dhacdada kadib ay goobta soo gaareen ciidamada ammaanka, ayna qabteen hal qof oo laga shakiyey.

Inta badan Al-Shabaab ayaa sheegata dilalka ka dhanka askarta dowladda ee ka dhaca gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho.