Badmaaxiin la socotay Markab Xamuul oo ku degay Xeebaha Somalia

War Qoraal oo ay Ciiddanka Badda ee Maraykanka soo saareen ayaa lagu sheegay inay soo badbaadiyeen 15 Badlaaxiin la socotay Markab ku sii degayey meel ka baxsan Xeebaha dalkeena Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Xarunta UK ugu qaabilsan La-socodka Maraakiibta Ganacsiga ku soo wargeliyeen Ciiddanka Badda Maraykanka inay u gurmadaan Markab ay cillad farsamo ku qabsatay Gacanka Cadmeed.

Mariniska Maraykanka waxay tilmaameen inay si degdeg ah u gurmadeen Markabka cilladaysnaa ee MV Falcon Line, ka hor inta uusan Markabka si buuxda u degin ama u quusin.

Badmaaxiinta la soo badbaadiyey oo aan la sheegin dalalka ay ka soo eedaan waxaa loo fidiyey Gurmad, iyagoo la siiyey cunto, biyo iyo baaritaan Caafimaad.

Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Guutada 5-aad ee Ciiddanka Maraykanka ee Saldhiga ku leh dalka Baxrayn waxay sheegeen inay ku hawlan yihiin sidii ay u xiriirin lahaayeen Milkiilaha Markabka MV Falcon Line iyo Maamulayaasha kale, si loo go’aamiyo Goobta ugu wanaagsan ee ay Badmaaxiinta la soo badbaadiyey uga soo degi karaan.

Markabka Xamuulka ee Falcon Line ee ku degay meel ka baxsan Xeebaha Somalia waxaa uu ka diiwaan gashan dalka Gabon, waxaana la dhisay sanadkii 1991-kii..

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com