Banaanbax & howlgal ka dhacay Magaalada laascaanood

Xalay waxaa Magaalada laascaanood ee Xarunta  Gobolka Sool lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Deegaanka Laascaanood oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Axmed Cilmi, iyada oo dadkii ka dsmbeeyay dilka ay baxsadeen.

Rag hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay toogteen Xildhibaanka oo kakid ahaa Golaha degaanka ee dhawaa  la doortay, waxaana goobkoogayaal sheegeennin meel u dhow gurivlgiisa lagu dilay..

Dilla ka dib dad ka careysan dilka ayaa waxaa  ay bamaanbax ka dhigeen bartamaha Magaalada laascaanood, iyaga oo dalbanayay in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalin walba Magaalada laascaanood lagu dilo dadka haldoorka u ah Bulshada, isla markaana Maamulka Magaalada iyo laamaha Amniga aysan wax tallaabo qaadin.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa waxaa ay Magaalada laascaanood ka sameeyeen howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay Xildhibaanka ka tirsanaa Golaha degaanka Magaalada laascaanoid ee Gobolka Sool.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska Somalilamd ayaa waxaa ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Magaalada laascaanood muddo Saddex Bilood gudahood ah waxaa lagu dilay dad kala duwan, waxaana ilaa iyo hadda laamaha amniga aysan gacanta ku dhigin dadkii ka dambeeyay dilalkaas.