Booliska Norway oo ku guuleystay helista diyaarad ku bur-burtay magaalada Larvik.

Inta la xaqiijiyay 3-qof ayaa ku geeriyootay diyaarad aroornimadii hore ee saaka ku bur-burtay duleedka magaalada Larvik.

Dadka dhintay ayaa ahaa 3-ruux oo la socday diyaarada kuwaasoo isugu jiray macalin barayay habka diyaaradaha loo kaxeeyo iyo laba arday oo wax ka baranaysay machadka duulista ee dalka Norway.

Dadaalo dheeri ah iyo baadi goob ay sameeyeen ciidamada Booliska ayay ugu danbeyntii ku guuleesteen in ay helaan haraadiga diyaaraddii ku bur-burtay Tvedalen oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Larvik.

Norway ayaa ka mid ah wadamada la isku yiraahdo Scandinavian-ka kan ugu wanaagsan oo laga barto habka loo wado diyaaradaha marka laga yimaado wadanka Mareykanka.

Xafiiska Wararka Oslo.

Info@aragticusub.com