Boosaso: Werar lagu qaaday Xildhibaan hore Abdirahmaan Said

Abaare 9:00 fiidnimo, ayaa waxaa weerar hubeysan lagu qaaday guri ku yaalla magaalada Boosaaso, xaafadda Raf iyo Raaxo, halkaas oo uu ku sugnaa Xildhibaan hore Abdirahman Said Farah.

Weerarkaasi ayaa sababay khasaaro naf ah, waxaana halkaas lagu dilay Abdillaahi Said Farah, oo ahaa walaalka Xildhibaan hore Abdirahman Said Farah.

Sarkaal ka tirsan Booliska Gobolka Bari oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in ujeeddada weerarka ay ahayd Xildhibaan hore Abdirahman Said Farah, balse dablayda fulisay weerarkaasi ay ku guuleysteen inay ka baxsadaan goobta kadib falkaas.

Sida uu sarkaalkaasi sheegay, tuhun xooggan ayaa jira in dablayda weerarka gaysatay ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish, oo ka dagaalanta buuraleyda Cal-Miskaad ee gobolka Bari.

Laamaha amniga ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno dheeraad ah, isla markaana ay qaadeen tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga magaalada Boosaaso.