Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Cambaareeyay Rasaas lagu riday shacab maanta dibadbax dhigayay

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir kana mid ah musharaxiinta Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si kulul u cambaareeyay rasaas lagu furay dad banaanbax loogaga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo ka dhigayay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay dhacdadaan wax laga xumaado inay tahay in la beegsado shacab banaanbax dhigayay.

“Ninkaan xabada ku ridaya dhalinyarada dibad baxaysa ciidankooda ayuu ka mid yahay. Haddii ay diidaan dibad bax nabadadeed maxaa diidaya in la iska difaaco. Waa waajib wadani ah iyo mid Diini ah in Diktatoorka la iska qabto inta uusan xoogaysan ee uu tabarta yaryahay”ayuu ku qoray boggiisa facebook musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

“Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii Nabadsugida waxay magaalada ku soo daayeen rag hubaysan oo dharcad ah oo jidka u taagan caburinta shacabka” ayuu sii raaciyay qoraalkisa.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in hubeysan oo dharcad ah oo haween iyo dhalinyaro dhigeysay banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo degmada Hodan gaar ahaan isgoyska Banaadir rasaas ku furaya.

Ciidanka Ammanka ayaa sidoo kale xiray labo wariye oo ka tirsan idaacada goobjoog sida uu xaqiijiyay maamulka Idaacadda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com