Caqabadoha hortaagan Magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee Ra’isul Wasaare Rooble .

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku guul dareestay in mudo bil gudaheed uu kusoo magacaabo golaha Wasiirada ee kamidka noqonaya xukuumada uu hogaamiyo .

Golaha Wasiirada cusub ayaa la filayay in Ra’isul Wasaare Rooble kusoo magacaabo deg deg si bilaha yar ee u harsan xukuumada u qabato shaqooyin badan ay ugu horeesay hirgalinta doorashada iyo ka shaqeynta amaanka.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana sidii la filayay soo magacaabin golihiisa Wasiirada, waxaana soo baxaya caqabado hortaagan magacaabista golaha Wasiirada Soomaaliya xili dalka ku jiro marxalad kala guur ah loona diyaargaroobayo doorasho.

Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaare Rooble uusan talo badan ku laheyn magacaabista golaha Wasiirada, waxaana inta badan golaha Wasiirada soo xulaya Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in caqabadaha hortaagan magacaabista golaha Wasiirada ay kamid tahay in la isku hayo Wasiirada kamid noqonaya Xukuumada cusub gaar ahaan Wasaaraha ugu muhiimsan ee Xukuumada.

Sida ana xogta ku helnay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa codsaday dhoor wasaaradood oo muhiim ah in la siiyo xubno isagu wato, waxaana wasaaradaha uu codsaday ku jira Wasaarada Maaliyadda.

Mursal ayaa sidoo kale soo gudbiyay magacyada xubnaha uu la rabo in lagu soo daro golaha Wasiirada, waxaana la sheegay in uu culees kala kulmayo Madaxweynaha Soomaaliya laguna adkeeyay xubnaha uu watay qaarkood iyo wasaaradaha uu rabo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu ka biyo diiday dalabyada qaar ee Gudoomiye Mursal, waxa uuna Madaxweyne Farmaajo codsaday in Wasiirka Maaliyadda loo sii dayo sii haya xilkaasi Cabdiraxmaan Ducaale.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale la sheegay in Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in golaha Wasiirada lagu soo daro xubno uu isagu si gaar ah u rabo, xubnahaasi qaarkood ayaana la sheegay in Madaxtooyada ka biyo diiday in golaha Wasiirada lagu soo daro.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com