Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay hub & xubno Shabaab lagu eedeeyay

Laamaha ammaanka Maamulka Puntland, ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen hub & shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Shabaab, kadib hawlgal Ciidanka ay sameeyeen.

Hawlgalka ayaa waxaa laga sameeyay Magaalada Boosaaso, gaar ahaan Suuqa Ganacsiga ee Magaalada, halkaasi oo xog la soo helay lagu ogaaday hubka & dadka la soo qabtay.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka Puntland ayaa u sheegay Warbaahinta deeganada Maamulkaasi hubka la soo qabtay inuu isugu jiray Rasaas, Qoriga Ak47 & Bastoolado.

Waxaa kale oo gacanta lagu soo dhigay sideed ruux oo la tuhmaayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo baaritaan ciidanka ay ku hayaan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in si wayn loo raadinaayo Sarkaalkii hoggaaminaayay Kooxda gacanta lagu soo dhigay, kaasi oo Ciidamada ammaanka aaminsan yihiin inuu baxsad ku yahay Magaalada Boosaaso gudaheeda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.como