Ciidamo Itoobiyaan oo isaga baxay degaano ka Tirsan koofurta Soomaaliya

Boqolaal Ciiddan Ethiopian oo ka hawlgeli jiray Goballadda Bay iyo Bakool ayaa waxay isaga huleeleen Somalia, kadib, markii ay dhamaysteeen Xilli-hawleedkii ay qeybta ka ahaayeen Hawlgalka AMISOM.

Ciiddankaasi oo ku hubeysnaa noocyada Hubka iyo Gawaarida Gaashaaman waxay safar dhulka ah kaga baxeen Somalia, iyagoo gaaray Xero Ciiddan oo ku taalla Gobalka Liibaan ee Dowlad-deegaanka Soomaalida.

Guutada Ciiddanka Ethiopianka ee ka baxay Somalia oo lagu magacaabaa Qilfat waxay maalmihii la soo dhaafay Dhaqdhaqaaqyo xooggan ka wadeen Goballadda Bay iyo Bakool, halkaasi oo ay horey weeraro gaadmo ah kala

Itoobiyaha ayaa qeyb ka ah dalalka ay ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wada gobollada Gedo, Hiiraan, Baay iyo Bakool.

Ethiopia waxay ka mid tahay Dowladaha ay ciiddanka faraha badan ka joogaan Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.