Ciidamo la geeyay degaan ay dilal ka dhaceen & kulamo ka bilaawday

Taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aad General Mascuud Maxamed Warsame oo ay wehlinayaan maamulka degmada Guriceel iyo Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur ayaa maanta gaaray deeganka Goodir oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Shalay ayaa degaanka goodir waxaa ka dhacay dilal iska xig xiga, kuwaasi oo u dhaxeeyay beelo laba Beelood oo wada degano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aad Janeraal Mascuud Maxames Warsame ayaa labada dhinac ugu baaqay inay si wada jira uga shaqeeyaan nabada taasi oo muhiim u ah jiritaanka bulshada Soomaliyeed.
Dhinaca kale wararka laga elayo degaanka Goodir oo hoostaga degmada Matabaan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ka bilaawdeen wada-hadallo xal loogu raadinayo dagaal beeleedyada soo laab laabtay.
Degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kusoo laab laabtay Colaad Beeleedyo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo Barakaca Boqolaal qoys.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com