Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal isbaaro qaadis ah

Howlgal si Wadajir ah  ay uu sameeyeen Ciidanka  kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawishta Koonfur Galbeed ayaa lagu qaadey isbaarooyin dhowr ah oo teedsanaa wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho.

Howlgalkan oo uu horkacayey wasiirka Amniga Koonfur galbeed ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiirka Arrimaha gudaha Taliyaha Ciidanka Daraawishta,Sarakiil ka kala socdey Ciidamada Xoogga Dalka .

Inta uu socdey Howlgalkan isbaara qaadista ah ayaa waxaa ciidamadu ku gubeen isbarooyinka kala ah Balow,Daa’uud Buulle,Isbaaro Taraafico iyo dhufeysyo meleshiyaad beeled ay ka sameysteen gudaha Degmada Walanweyn,

Mudada uu socday howgalkan waxaa ciidamada huwanta ah gacanta ay ku soo dhigeen askar si sharci daro ah lacago ugu qaadayey Gadiidka isticmala waddooyinka muhiimka u ah Gobolka iyo guud ahaan dalkeena .

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com