Cabsi soo wajahday Soomaalida ku nool dalka jarmalka

Kaddib markii nin Soomaali ah oo ku hubaysna toorey uu dalka Jarmalka ku dilay ugu yaraan 3 qof, dhowr kalena uu ku dhaawacay ayaa waxaa wadankaasi dadka soogalootiga ah ee Soomalida ay ka mid tahay ay dareemayaan cabsi ah in si gooni ah loo bartilmaameedsado.

Warbaahinta dalkaasi ayaa dhacdadaasi tan iyo markii ay dhacdey si weyn u hadal hayo, gaar ahaan wakhtigan oo la filayo in dalkaasi ay ka dhacdo doorasho marka la gaaro bisha September ee soo socoto.

Maxamed Baadil Axmed oo degan Jarmalka oo kamid ah Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa sheegay in Xisbiyada qaar ee doonaya ka qeyb galka doorashada ay yihiin kuwo ajaanib naceyb ah, isla markaana ay olole ku galayaan kasoo horjeedka dadka ajaanibta ah.

Dalka jarmalka ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan oo qaxooti ah, kuwaas oo cabsi xoogan dareemaya tan iyo markii ninka Soomaaliga ah uu Saddexda Ruux uu tooreeyda ku dilay kuwo kalena uu dhaawacay.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com