Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadlayay Arrimaha Shidaalka

Wasiirka Wasaaradda Bartoolka & Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid  Maxamed Axmed ayaa Caasimadda dalka Suudanka koonfureed ee Jubba waxaa uu uga qeyb galay shir looga hadlayay horumarinta Shidaalka & Tamarta.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay shirkadda Capital Energy & Power  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wafdi ka socda Wasiirada Batroolka ee dalalka, Suudaanta Koonfureed, Kenya, Soomaaliya iyo dalal kale, kuwaas oo is dkaafsaday fikrad kala duwan.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray horumarinta tamarta ee dhamaan dalalka Afrika si ay uga baxaan saboolnimada, waxaana Soomaaliya ay kamid tahay dalalka sanadkaan bixin doona Shatiga shidaal barista.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Bartoolka & Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid  Maxamed Axmed ayaa ka qeyb galay kulan hab maamuus looga sameeynayay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com